Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta ka baaqsaday kulan weyn oo mid kamida beelaha Soomaaliyeed ay ugu talogashay inay kusoo dhoweyso magacaabidiisa kuna maamuusto.
Kulankan oo ka dhacay Hotelka City Palace galabta ayaa waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka, waxgaradka, Dhalinyarada, haweenka iyo marti sharaf ka socday Beesha Muddulood, waxaana dadka kulankaasi lagu casuumay ay ka badnaayeen 100 xubnood.
Sidoo kale waxaa kulanka kasoo qeybgalay xildhibaano, siyaasiyiin, Culimaa’udiin iyo waxgarad ka kala socday beelaha kala duwan ee Soomaaliyeed oo sidoo kale lagu casuumay. Shirkaas oo lagu diyaariyay dhammaan dadkii iyo agabkii loogu talogalay in lagu soo dhoweeyo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya waxaa iyana ku sugnaa xildhibaanada iyo siyaasiyiintii hore ee Beesha Muddulood oo uu ka dhex muuqday Cali Mahdi Maxamed.
Markii la gaaray xiligii balanta ahayd ayaa la waayay Ra’iisal wasaaraha, waxaanamarkii waqtigu ku dheeraaday qabanqaabiyeyaashii iyo marti sharaftii loo cid diray Ra’iisal wasaaraha oo la sheegay inaan wax jawaab ah laga helin.
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka mid ahaa marti sharaftii kulanka ku sugnaa ayaa arrinta oo dhex galay, isagoo la xiriiray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, waxaana ku soo laabtay kulanka isagoo dadkii siiyay cudurdaar ah in Ra’iisal wasaaruhu imaan waayay arrimo dhinac ammaanka ah darteed oo aan faahfaahin laga bixin. Wararka ku saabsan khatarta dhinaca ammaanka ah ayaa la filayaa inay yihiin kuwo carqalad ahaa oo loogu talogalay in kulanka lagu baajiyo.
Dadkii kulanka soo qabanqaabiyay iyo marti sharaftii tirada badneyd ee beesha ayaa si weyn uga carooday sida Ra’iisal wasaaruhu ula dhaqmay iyo gefka lagu bedelay xafladii niyadsamida ahayd. Wararka goobta la iska dhex marayay ayaa sheegaya in baaqashada Cumar C/rashiid ka baaqsaday kulanka uu sabab u ahaa Prof. Cali Maxamed Geedi oo aad ugu dhow Ra’iisal wasaaraha, iyo xubno kale oo beeshaasi ka mida isla markaana ay xurguf kala dhaxeyso qabanqaabiyeyaasha kulanka.
Xaflada oo lagu kala dareeray Galabnimadii iyadoo la careysan yahay ayaa waxaa xaalada uga sii daray Ra’iisal wasaaraha oo aan isku dayin inuu la soo xiriiro qabanqaabiyeyaasha kulanka, wax cudurdaar toos ahna aan laga helin dhinaciisa.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]