Ra’iisal wasaaraha xukuumadda uu magacaabay muranka badani ka taagan yahay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ay taageerayaan madaxweynaha iyo kooxdiisa ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan inay codka kalsoonida uga helaan Baarlamaanka iyadoo magacaabay guddi ka kooban 10 wasiir oo shanta beelood min laba wasiir laga soo xulay.
Guddiga wasiiradan oo ay hormuud u yihiin C/kariin Guuleed, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo wasiiro kale ayaa u howlgeli doona sidii ay xukuumaddooda kalsooni uga heli lahayd Baarlamaanka, waxaana hore u jiray qorshe loo dejiyay oo ahaa in qof waliba oo ka mida xukuumadda cusub laga rabo laba xildhibaan codadkooda, taasoo, haddii u xildhibaan yahayna codkiisa iyo cod kale, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh loo qoondeeyay 15 xildhibana inuu keeno, taasoo micnaheedu yahay inay sidaas ku heli karto xukuumadda kalsoonida Baarlamaanka.
Shirkii koowaad ee guddiga wasiirada e kalsooni u raadinta xukuumadda CCC ayaa maanta qabsoomi waayay kadib markii Ra’iisal wasaaraha oo ahayd inuu guddoomiyo uu ku maqnaaday shir uu garoonka diyaaradaha kula lahaa wafdi Mareykan ah.
Xukuumada cusub oo durba soo jiidatay mucaaradnimadii ugu weyneyd ee laga hor keeno xukuumad kalsooni sugeysa ayaa laga cabsi qabaa inay adkaan doonto si kalsooni looga helo Baarlamaanka intiisa badan u careysan madaxweynaha iyo xilalka laga qadiyay.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]