Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tegay xalay saldhigga Booliska degmada Hodon iyo ciidamo lagu diyaariyey degmada Deyniile oo la sheegay loo diyaariyey Alshabaab.
Booqashadii saldhigga degmada Hodan ayuu Ra’iisal wasaare kheyre ugu kuurgalaya sida ay u socdaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga,w uxuuna warbixin amniga la xiriirta uu ka dhageystay saraakiisha booliska.
“Is-bedelka aan caawa kusoo arkay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho waxay tusaale cad u tahay in amniga wax laga qabtay..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo farriin soo dhigay baraha bulshada.
Dhinaca kale Ciidamada uu booqday Ra’iisal wasaare Kheyre ee Deyniile ayaa isugu jira Boolis, Militari iyo Nabad sugid, kuwaasoo la sheegay inay qaadaan howlgal lagu cirib tirayo Argagixisada Alshabaab.