Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xarigga ka jaray xarunta Gurmadka deg-degga ah ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed (Otto Otto) oo dib loo dhisay, kadibn Qarixii iyo weerar ay ku qaadeen kooxda Alsahbaab bishii July 2018.
Xarunta Otto Otto ayaa fariisin u ah Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Gudaha, ayaa dib loogu wareejiyay ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay u hawl gelinayaan adeegga gurmadka deg-degga ah markii dayactir lagu sameeyay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale maanta dhagax dhigay dib-u-dhiska xerada Sheelare ee ciidanka daraawiisha booliiska Soomaaliyeed oo ah ciidan ka hor taga rabshadaha, kana ka howl gala xudduudaha dalka iyaga oo la fal galaya ciidanka xoogga dalka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda sannad guurada 75-aad ee aasaaska Booliiska Soomaaliiyed aawadeed, waxa uu gudaha xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyee ee General Kaahiye dhigay Ubax lagu xasuusanayo shuhadadii ciidanka Booliiska ee dhiiggooda u huray qarannimada Soomaaliya.