Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo xalay dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa shaaciyay qorshe lagu kordhinayo howlaha ammaanka iyo howlgalka ciidamada xaslinta.
Mudane Kheyre ayaa dalbaday wada-shaqeyn ay yeeshaan shacabka iyo ciidamada, taasoo lagu xoojin karo ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in ujeedka howlgallada ammaanka uu yahay magaalada Muqdisho iyo dalka oo dhan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballanqaday in la dardar gelin doono arrimaha amniga inta laga gaarayo nabadgelyo ay ku qancaan in dowladdu ilaalin karto amnigooda.
DHAGEYSO RA’IISAL WASAARE KHEYRE