Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa ballanqaaday inuu tallaabo ka qaadi doono wixii ka dhacay degaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose, isla markaana baaritaan weyn lagu sameyn doono dadkii lagu laayay halkaasi.
Xasan Cali Kheyre ayaa xalay saqdii Dhexe kulan la yeeshay xildhibaanada, odoyaasha dhaqanka, qaar ka tirsan wasiirada ka soo jeeda ay isku beesha yhiin dadkii lagu laayey degaanka Bariire.
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Ra’iisal wasaaraha iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ay isku raaceen in in war degdeg ah xukuumadda Soomaaliya kasoo saarto dhacdadii dadka shacabka ah lagu laayey, isla markaana lala xisaabtamo ciddii mas’uuliyadeeda yeelata.
Waxaa kaloo guddi loo sameynayaa baaritaan lagu sameeyo sidii ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inay si weyn ugu mahadceliyeen Ra’iisal wasaaraha dareenka uu muujiyay iyo tallaabada uu balanqaaday.