Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo ay uga bilaabatay socdaal aan hore loo shaacin, kadib safar uu ku tegay dalalka France iyo Belguim.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la fulyaa inay kulamo la yeesho madaxda dalka Qatar oo ay ka wadahadlayan xiriirka labada dal iyo mashaariicda ay Qatar ka wado Soomaaliya. Ra’iisal wasaarea Kheyre ayaa marki labaad muddo shan bilood ah tegaya dalka Qatar oo ah dalka ugu weyn ee taageera dowladda Soomaaliya.
Socdaalka Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa markii hore la shaaciyay inuu ku tegi doono dalalka France iyo Belgium oo kulamo kala duwan uu kula yeeshay madaxda dalalkaasi.