Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in sidii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya ee xilka haya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu dalku gaaray horumar.
Isagoo ka hadlayey munaasabad lagu maamuusay lasoo wareegidda maamulka hawada Soomaaliya oo si rasmi ah uga socda magaalada Muqdisho ayuu Ra’iisal wasaaruhu sheegay inay tahay wax lagu faano in hawadii oo aan laga qeybsaneyn laga maamulayo Muqdisho ayna dowladda Soomaaliya gacanta ugu jirto.
Ra’iisal Wasaare Kheyre oo tiriyey dhowr arrimood oo guulo laga gaaray intii ay dowladda u hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo xilka hayey ayaa ku adkeystay in kadib markii la doortay Madaxweyne Farmaajo uu dalku ku tallaabsada horumar.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisa ayaa fagaarayaasha isaga jeediya amaan mas’uul kasta uu kan kale ku bogaadinayo, taasoo ah arrin ku cusub siyaasadda maamuladii isaga dambeeyay dalka.