Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa farriin kulul u diray kooxaha ku kacsan madaxda dowladda Soomaaliya.
Kheyre oo magaalada Doha ee dalka Qatar kula hadlayey jaaliyadda Soomaalida ayaa sheegay inaysan aqbali doonin isaga iyo madaxweyne Farmaajo oo uu codkiisa ku hadlay in la cabsi geliyo, wuxuuna si caro leh u sheegay inaysan sharaf ka raadineynin wax uu ugu yeeray Qabqableyaal.
“Inta aan annaga joogno xukunka, waxaan idiin ballan qaadayaa in aanan aqbali doonin in nalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah, inaan aqbali doonin in nala yiraahdo nala shaqeysta haddii kale waan idinka ridaynaa.. inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaaya magaceyga iyo kan Madaxweynaha waxaan idiin sheegayaa sharafta aan raadineyno kama raadinayno Qabqablayaal ee waxaan ka raadinaynaa shacabka Soamaaliyeed…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo wejigiisa uu xanaaq ka muuqday.
Waa jawaab celintii ugu horeysay ee madaxda dowladda kasoo baxda kadib mooshinkii xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo, kaasoo khilaaf ka dhex abuuray guddoonka Baarlamaanka.
HOOS KA DAAWO KHUDBADDA OO DHAMMEYSTIRAN