Ra’iisal wasaare ku xigeenka Australia, Barnaby Joyce iyo afar siyaasi oo kale ayaa si khalad ah loo doortay maadaama oo ay heysteen labo dhalasho, sida ay go’aamisay maxkamadda sare ee dalkaasi.
Go’aanka maxkamadda sare ee Australia ayaa ka dhigan in saddex siyaasi oo uu ku jiro Joyce xilalkii ay hayeen uu khaldanaa. Kuwa kale bishii Luulyo ayay is casileen. Laakiin Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa xilkiisa ku waayay go’aanka Maxkamadda sare.
Shaqada laga eryay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Australia ayaa xaaladda ku sii xumeyneysay dowladda dalkaasi hoggaamisa oo aqlabiyaddaku heysay halka kursi oo qura. kaasoo hadda meesha laga saaray, waxaase laga yaabaa in uu ku soo laabto doorasho ku celis ah.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka xilka laga qaaday ayaa ka tanaasulay dhalashadiisa NewZealand bishii Agoosto wuxuuna sheegay in uu dib isugu soo sharixi doono kursigiisa aqalka hoose, iyadoo rajo laga qabo in dib loo doorto.
“Waan ixtiraamayaa go’aanka maxkamadda” ayuu yiri Joyce sidaadii ay maxkamaddu go’aanka u gaartayba.
Jinsiyadda labada dal ah ayaa haraysay siyaasadda Australia tan iyo bishii July, taasoo horseeday in xildhibaanno badan ay fagaareyaasha ka sheegaan jinsiyadahooda iyo inay yihiin laba-baasaboorleyaal iyo inkale.