Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galeysa shirka wasiirada Gaashaandhigga dalalka Islaamka ee Argagixiso la-dirirka oo magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga ka furmay.
Shirkan oo ay yeelanayaan Isbahaysiga dalalka Islaamka ee la-dagaallanka argagixisada ayaa waxaa ka qeyb galaya 41 dal oo Soomaliya ay ku jirto. Waxaana shirka Soomaaliya uga qeyb galaya Ra’iisal wasaare ku xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa metalay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo maanta uu la magacaabay, waxaana ku wehliya la-taliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweynaha Gen. Baashiir Maxamed Jaamac.
Waxaa shirka furay dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman oo kulanka ka sheegay in dalka kulanka ka qeyb galaya ay ballanqaadeen inay ka shaqeeyaan sidii ay dunida uga tirtiri lahaayeen argagixisada