Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada Riyaad kula kulmay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.
Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu Amiirka la yeelanayay madaxda ka qeyb gashay shirka Wasiirada gaashaandhiga Isbaheysiga dalalka islaamka ee argagixiso la-dirirka, kaasoo ka dhacay magaalada Riyaad, Soomaaliyana uu uga qeyb galay Ra’iisal wasaare ku xigeenka.
“Dhaxal sugaha boqortooyada Sucuudiga Amiir Mohamed Binu Salmaan Binu Cabdilcaziis ayaan kula kulmay magaalada Riyad, waxaanan ka wadahadalnay adkeynta iyo xoojinta xiriirka labada dalĀ iyo sidii Dawladda Sacuudigu kor ugu qaadi lahayd taageerada ay siiso dawladda Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo ka hadlay kulanka uu la yeeshay dhaxal sugaya Sacuudiga.
`