Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wasiir Yuusuf Garaad oo booqday Maxaabbiista Soomaaliyeed ee Seychelles [Akhirso wixii dhex maray]

    Wasiir Yuusuf Garaad oo booqday Maxaabbiista Soomaaliyeed ee Seychelles [Akhirso wixii dhex maray]

    November 26, 20172 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xabsi ku yaalla Jaziiradda Mahé ee dalka Seychelles ayaan maanta ku soo booqday 15 Soomaali ah oo halkaa ku xiran. Waxay ku xukuman yihiin sannado kala duwan ka dib markii lagu helay dembi burcadbadeednimo.

    Waxaa laga soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya. Mid ka mid ah oo ay u dhammaatay muddadii lagu xukumay ayaa bisha Disembar 2017 la sii deyn doonaa. Inta kale waxaa u dhimman sannado xabsi ah, waxayna mas’uuliyiinta Seychelles diyaar u yihiin in isla bisha Disember 2017 ay ku wareejiyaan Dowladda Soomaaliya.

    Dhallinyarada xabsiga ku jirta markii aan la kulmay iyada oo uu i wehliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Danjire Barry Faure iyo Madaxa Xabsiyada Seychelles, Raymond Ange, waxay ii soo dhoweeyeen iina marxabbeeyeen si aad u diirran oo laga dareemi karo Soomaali-jacayl.

    Inkasta oo xorriyad la’aan iyo xukun dheer ay ku jiraan, haddana dhallinyarda kama muuqan ilgooyo iyo niyad jab toona. Waxay ahaayeen dad ay oogadooda iyo hugooduba nadiif yihiin.

    Lix hor leh

    Inta ay xabsiga ku jireen waxay ku barteen af Ingiriis iyo xirfado dhowr ah. Intaa ka dib waxaan booqday 6 dhallinyaro ah oo Soomaali ah oo ay ciidammada Midowga Yurub ee xeebta Soomaaliya ilaaliyaa ay ka soo qabteen aagga Degmada Marka ee Shabeellada Hoose, toddobaadkii hore, dalkanna ku xirnaa afar maalmood.

    Waa dhallinyaro ku eedeysan burcadbadeednimo. Waxay ku doodayaan in ay ahaayeen kalluumeysato.  Nimankaan wax hub ah laguma arag doontooda.  Waxay leeyihiin matoorka ayaa ka xumaaday doonta markaas ayay jihada ay doonto ula sabbeysay.

    Markii aan is wareysannay iyada oo ay joogaan Mas’uuliyiinta Arrimaha Dibadda Seychelles, kuwa xabsiga iyo laba xubnood oo ah UNODC, ayaan qol gooni ah tegey oo aan mid mid u wareystay lixdaan nin ee dhallinyarada ah.

    Faahfaahin badan hadda kama bixin karo. Baaritaan ayaa ku socda.  Maxkamad ayaana la soo taagi doonaa.
    Waxay ku soo xoomeen calanka Soomaaliya oo surnaa baabuurka la igu waday, iyaga oo ku dhawaaqaya – Soomaaliyeey toosa,  toosa oo isku tiirsada…

    Berrito ayaan mar kale wadahadal la qaadan doonaa mas’uuliyiin sare oo dalkan Seychelles ah.

    W/Q: Yusuf Garad

    Burcad Badeed Maxaabiis Sycheles Yusuf Faraad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga [Sawirro]
    Next Article Madaxweyne Xaaf oo diiday in shirka Jabuuti uu ka qeyb galo Wasiir ka tirsan xukuumadda Somalia

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo