Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Markab taagan Badweynta India ee duleedka magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay saaakiisha ciidamada Talyaaniga ee qaybta ka ah howlgalka Burcad Badeedka ee Midowga Yurub.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa shegay inu Markabka dushiisa kula kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub iyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya.
“Wefti ka socda midowga Yurub oo uu wehelinaayo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka Budhcad-baddeedka ayaanu shir ku wada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaas oo ka mid ah Maraakiibta Budhcad badeeda ka ilaaliya biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamkaba. Weftigaasi waxaanu kawada hadalnay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Budhcad-baddeedku si wadajir ah looga gaadhi lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd warwar la’aan iyo nabad-qab..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo farriin soo diray.
DAAWO SAWIRRO