Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa farriin u diray Musharixiinta Mucaaradka ee u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Kadib kulan dhex maray Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra’iisal wasaare Rooble ayuu sheegay inuu isagu yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, diyaarna u yahay xalinta cabashada laga qabo Doorashada, qof kastana uu la kulmi doono.
“Qof kastoo cabsho qaba waxaan diyaar u ahay inaan cabashadooda xaliyo haddii ay ahaan lahayn Doorashada iyo arrin kaleba.. Shacabka Soomaalyed waxaan u sheegayaa is-dejiya aniga oo mas’uul ka ah xukuumada, ahna Ra’iisal wasaaraha ayaa diyaar u ah inaan qof kasta qaabilo.. Dadka wallaalahey ah ee qaba cabashada doorashada waxaan diyaar u ahay inaan qaabilo oo tixgeliyo cabashadiina xal waarana ka gaarno.. looma baaho in xasarad la kiciyo..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble oo ka hadlayey warbaahinta dowladda.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa marar badan ku celceliyey inuu diyaar u yahay la-kulanka musharixiinta, laakiin ma jiro wax kulan ah oo dhex maray, taasoo ay ugu wacan tahay in dhinaca Mucaaradka ay aamisan yihiin inuusan wax go’aan ah qaadan karin.
HOOS KA DAAWO
