Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddiga Horumarinta Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada xukuumadii Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Xafiiska Ra’isal wasaaraha ayaa faafiyey in Ra’iisal wasaaraha uu ku adkeeyey xubnaha Guddiga oo uu madax u yahay si-hayaha Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle muhiimadda Deyn Cafintu u leedahay dowladnimada iyo dib u dhiska dalka.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta hannaanka loo marayo deyn cafinta Soomaaliya, iyadoo sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle uu sharxay guulaha arrintaasi laga gaaray.
Ra’isal wasaare Rooble oo aan weli soo dhisin Golihiisa cusub ee Wasiirada ayaa wada shir ay ka dhex muuqdaan wasiirada xilka sii haya, wuxuuna la kowsaday heshiis deyn cafin oo dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ay wada saxiixeen, kaasoo qorshihiisa la dejiyey Bishii Maarso 2020.



