Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»XOG: Wasiirada Saaxiibada la ah Madaxweyne Farmaajo ee kusoo laaban doona Xukuumadda cusub

    XOG: Wasiirada Saaxiibada la ah Madaxweyne Farmaajo ee kusoo laaban doona Xukuumadda cusub

    September 30, 2020Updated:September 30, 20202 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa inuu soo dhiso Gole wasiiro cusub, iyadoo ay soo baxayaan xog ku saabsan wasiirada xilalka weyn doona iyo kuwa dib u soo laaban doona ee kasoo muuqan doona xukuumadda cusub.

    Wasiirada la saadaalinayo inay xilalkooda heystaan ama xilal wasaaradeed oo kale ka qabtaan Xukuumadda cusub ayaa ah wasiirada saaxiibka la ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee sida weyn ugu xirnaa muddooyinkii tan iyo intii kusoo biireen Golaha wasiirada, waxaana ka mida:

    1- Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Jamaal Maxamed Xasan: waa wasiirka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo, waxaana xaqiiqo ah inuu xilkiisa kusoo laaban doono ama loo magacaabi doono Wasiirka Arrimaha dibadda, sida ay sheegayaan ilo ku dhow Madaxtooyada.

    2– Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Oomaar: Waa wasiir kale oo ka mida saaxiibada Madaxweyne Farmaajo, inkastoo uu dagaal siyaasadeed uga imaanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, haddana Madaxweyne Farmaajo waxaa cad inuu ku mintidi doono dib u magacaabiddiisa.

    3- Wasiirka Dastuurka Saalax Ahmed Jaamac: Wuxuu Madaxweyne Farmaajo ka dhigtay Guddoomiyaha Guddigii Farsamada Doorashooyinka ee Shirkii Dhuusmaareeb 3, waana mid ka mida ragga ugu dhow Madaxtooyada Soomaaliya oo laga soo wareejiyey Wasaaradda Shaqada, loona dhiibay Wasaaradda Dastuurka kadib geeridii Wasiirkii hore C/raxmaan Xoosh.

    4- Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji: Waa mid kale oo ka mida wasiirada la filayo inay kasoo muuqdaan Golaha Wasiirada cusub, waana nin qunyar socod ah oo aad u degan, ugu yaraan halis kuma jiro kursigiisa, wuxuuna ka dhex muuqday munaasabadii xil wareejinta Ra’iisal wasaaraha, isagoo xilligii xil-heynta soo magacaabay Guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa, kadib taageero uu ka helay Madaxweyne Farmaajo.

    5- Wasiirka Warfaafinta: Maxamed Cabdi Maareeye: Waa siyaasi xukuumad kasta la jaanqaada, si gaar ahna daacad ugu ah Madaxweyne Farmaajo oo shahaado sharafyo badan ka helay, waana mid ka mida siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dowlad kasta u baahan tahay si afhayeen ugu noqdo ama u difaaco madaxda xilka heysa.

    6- Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye: rajada dib u soo laabashadeeda mar waliba way xoogan tahay, iyadoo saameyn badan ku leh Beesheeda, isla markaana maamul kasta ku qasban yahay inuusan caddow ka dhigan halisteeda awgeed, siiba xilliyada Doorashada. Waxay si lama filaan ah u taageertay Madaxweynaha xilligan kala guurka ah, iyadoo iska ilowday Ra’iisal wasaare Kheyre oo muddo dheer ay si weyn ula dhacsaneyd.

    GOOBJOOGE

    GOLAHA WASIIRADA CUSUB Maxamed Xuseen Rooble Top Wasiirada cusub xukuumadda cusub
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleShir u furmay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada (Arrimo xasaasi ah oo looga hadlayo)
    Next Article Ra’iisal wasaare Rooble oo la shiray Guddigii Dhaqaalaha ee xukuumadii hore & Warbixin laga siiyey Arrinta..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo