Garyaqaan Cabdullaahi Maxamed Jimcaale oo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa uga digay Ra’iisal wasaaraha cusub inuu magacabo Wasaarad uu sheegay in si sharci darro ah ay ugu jiray xukuumadii hore ee Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu sheegay in dhismaha Wasaaradda Gargaargka iyo maareynta Musiibooyinka ay tahay sharci darro iyadoo ay hore u jirtay sharcigeedana la ansixiyey Hay’adda Maareynta Musiibiooyinka (Somali Disaster Management
Agency).
.Cabdullaahi Maxamed Jimcaale ayaa xukuumadii Kheyre ku eedeeyay inay laga dhaxlay dhaqan xumo dowladeed, markii ay ku tumatay shuruucdii dalka, isla markaana sameysay wasaarad aan sharci heysan oo dhaqaalihii Hay’addana u wareejisay Wasaaradda.
Ra’iisal wasaaraha cusub ee Maxamed Xuseen Rooble ayuu uga digay inuu soo magacaabo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
Lama oga sababta uu waqtigaas dheer u aamusnaa iyo inuu xilka hay’adaasi hayo shan sano kadib markii sharciga Hay’adda la ansixiyey, laakiin waxaa muuqata in Hay’adaasi aan si buuxda loo dhisin, iyadoo markii ugu horeysay Golaha Wasiirada ay aasaaseen abaartii sanadkii 2011,. xilligaas oo u guddoomiye ka noqday C/llaahi Maxmaed Shirwac.
