Ra’iisal wasaarihii hore Musharax Xasan Cali Kheyre ayaa maanta tegay xarunta uu Xalane ka degan yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Kulanka Axmed Madoobe iyo Xasan Kheyre ayaa ahaa salaan iyo kala war qaadasho, waxaana Axmed Madoobe uu qoraal kooban ku yiri: Waxaa maanta hoyga aan Daganahay igu soo booqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee JFS, Mudane Hassan AKhaire”.
Axmed Madoobe ayaa shalay so gaaray Muqdisho, isagoo ka mida madaxda ka qeyb galeysa shirka ay beesha caalamka qabanqaabisay ee la filayo inuu madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada uga furmo Afisyoone.
