Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Monday, June 30
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya.

    March 11, 2015Updated:March 11, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Djibouti, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Mudane Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha dalka Djibouti iyo Mudane Cabdulqadir Kamil Maxamed Ra’isul Wasaaraha dalka iyadoo laga wada hadlay adkaynta xiriirka iyo iskaashiga walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.

    Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiiru-dawlaha Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dalka Djibouti taageerada joogtada ah ee mar walba ay la garab taagan tahay Soomaaliya iyo ciidamada Djibouti ee AMISOM oo gacan muuqata ka gaysta sugidda amniga dalka Soomaaliya.

     

    ccc-icg

    [ad name=”HTML-2″]

     

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Djibouti oo yeeshay kulan dheer oo qaatay labo saacadood ayaa Ra’isul Wasaaruhu waxaa uu warbixin guud ka siiyay Madaxweynaha Djibouti xaaladda guud ee Soomaaliya iyo qorshaha dawladda ee hiigsiga 2016-ka, kuwaasi oo ay kamid yihiin tababarka ciidanka, dib-u-heshiisiinta, dar-dargalinta shuruucda, dhamaystirka maamuladda goboleedyada, magacaabista guddiyada laf-dhabarka u ah in doorasho ay dalka ka dhaco iyo howlgalinta kuwa hadda jira.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu yiri:

    “Waxaan marka hore ka mahad celinayaa soo dhoweynta diirran ee aniga iyo wafdigayga aan la kulannay, Madaxweynaha Djibouti waxaan ka wada hadallay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee aan wadaagno iyo adkaynta iskaashiga noo dhexeeya ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo ganacsiga labada dal oo mar haddii aan wadaagno waxyaabo badan oo muhiim u ah shacabkeena.

    [ad name=”HTML-3″]

    Waxaan uga mahadcelinayaa dawladda Djibouti taageerada kala duwan ee Soomaaliya ay u fidisay oo sugidda amnigu ay qayb ka tahay iyo sida ay xilli kasta diyaarka ugu tahay in ay gacan buuxda ka gaysato xasilooni buuxda oo ka dhalata Soomaaliya iyo dhismaha haya’adaha dawladda. Waxaana Djibouti ay gacan ka gaysan doontaa sidii aan ku gaari lahayn hiigsiga 2016-ka.”

    Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu joogo Djibouti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda kale ee dalka isla markaana waxaa uu booqan doonaa dakadda Djibouti iyo goobo kale oo muhiim ah.

    La soco sawirada kale haddii uu Ilaahay idmo.

    —DHAMAAD—

    Ridwaan Haji Abdiwali
    Afhayeenka Xukuumadda,
    Djibouti, Djibouti

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin Qarax ka dhacay agagaarka Hotelka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho
    Next Article Gaari miineysan oo qarxay iyo ninkii watay oo la qabtay (La-yaabka qaraxii caawa)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo