Ra’iisal wasaarihii dalka Urdun Hani AlMulqi ayaa is-casilay ka dib markii dhowr maalmood ay dalkaasi ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo kordhinta canshuurta iyo qorshihiisa gunti isku giijinta dhaqaalaha.
Dibadbaxyadii dhawaan dhacay ayaa ahaa kuwii ugu balaarnaa oo muddo sanado ah ka dhaca dalkaasi. Dibadbaxayaasha oo ku luuqaynayay halkudhigyo ayaa waxa ay fooda is dareen booliiska oo isticmaalay sunta dadka ka ilmaysiisa oo xiray waddooyiinka.
Dibadbaxayaasha ayaa waxay sheegeen in hindisa sharciyeedka cusub ee canshuurta oo ay taageertay hay’ada lacagta aduunka ee IMF uu yahay mid dhaawacaya dadka saboolka ah iyo kuwa dabaqada dhexe.
Mr. AlMulqi ayaa diiday in uu meesha ka saaro hindisa sharciyeedkan, isag oo sheegay in ay baarlamaanka u taallo in ay ansixinayaan iyo in kale, taasoo markii danbe uu xilka uga tegay.
Dowladiisa ayaa sheegtay in lacagahani ay u baahan tahay si ay ugu maalgaliso adeega dadwaynaha . Balse dibadbaxayaasha ayaa ka cabsi qaba in arrintan ay xaaladda uga sii darto.