Rasaas ayaa caawa ka dhacday xarunta Koongareeska Mareykanka taasoo keentay in la xiro Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka iyo Koongareeska dalkaasi, magaalada Washington, rasaasta ayaa ka dhacday gaar qeybta dadka martida ah ee Koongareeska.
Waxaa lagu amray shaqaalaha labada xarumood in aysan dibada iman iyadoo gebi ahaan la xiray howlihii ka socda Aqalka Cade. Haweeney ku sugneyd goobta ayaa lasoo weriyay inuu dhaawac soo gaaray, Ninkii falkan ka dambeeyay ayaa la xiray sida uu sheegay Booliska Washington, ninkan oo hubeysnaa ayaa isku dayay inuu dhaafo qeybaha ammaanka ee dadka lagu baarom markaasoo ay joojiyeen ciidamada balse wuxuu la soo baxay qori isagoo rasaasna riday.
Sarkaal Dhismaha Koongareeska ka shaqeeya ayaa kadib toogtay ninka hubeysan sida ay wararku sheegayaan. Waxaana ninkan kadib la qabtay isagoo dhaawac ah.
Xaalada Aqalka Cad iyo Koongareeska ayaa caadi ku soo noqotay iminka kadib markii ay muddo 1 saacadood ku dhow loo xiray dhacdadan. Waxaa kaloo xaaladani ay qabsatay saxaafadda caalamka.