Wararka laga laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya inay xiisad ka taagan tahay caasimadda Puntland, xilli la filay in Baarlamaanka Puntland uu ka hadlo qodobo laga bedelayo Dasuurka maamulkaasi.
Madaxweynaha Puntland iyo maamulkiisa ayaa xalay ciidamo badan geeyay oo ah kuwa madaxtooyada iyo kuwa ciidamda loo yaqaan PMPMF xarunta Baarlamanka, Madaxtooyada iyo jidka wadnaha.
Waxaa markaas kadib magaalada yimid Ciidamada loo yaqaan Danab ee diiddan doorashada uu wado SIciid Deni iyo furista Dastuurka Puntland, iyagoo la wareegay Saaka qeybo ka mida Magaalada Garowe.
Goor dhoweyd ayaa magaalada laga maqlay Rasaas xoogan, waxayna wararku sheegeen in rasaas culus loo riday dhinaca Xarunta Madaxtooyada Puntland, iyadoo ay tallabaadaasi qaadeeno ciidamada taabacsan siyaasiinta kasoo horjeeda xukuumada Deni.