Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku adkeystay inuu qabto Doorashada Garab ka mida Guddiga is khilaafsan ee Doorashada Somaliland.
7 xubnood oo ka mida Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT oo ka kooban 11-ka qof ayaa tegay xarunta Afisyoone ee lagu qabanayo Doorashada Guddigan, waxayna xubnahan ka yimaadeen soo soo magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble iyo ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed.
Kulanka waxaa qaadacay Xubnaha Guddiga ee uu magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, oo sheegay inaysan ka qeyb galeynin doorashadaasi iyadoo aan laga heshiin siyaasadda, isla markaana lagu socon heshiiska ay isku dooranayaan 8-da xubnood ee labada Garab ka kala socda.
Waanwaantii ay Rooble iyo Cabdi Xaashi ka dhex wadeen madaxda qaar ka mida maamul Goboleedyada iyo Musharixiinta ayaa socon waayey markii uu si cad u diiday Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta, taasoo keenay in mar kale ay is doortaan 7-da xubnood ee Ra’iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisu magacaabeen.
Doorashadii ayaa waxaa kasoo baxay isla natiijadii hore oo ahayd in Guddoomiyaha Guddiga Doorashada loo doorto Khadar Xariir Xuseen oo aan lala tartamin, kaasoo Garabka Cabdi Xaashi ay hore u sheegeen inuu wato Farmaajo, iska markaana k amid yahay shaqaalaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka.
Dhinaca kale waxaa isna guddoomiye ku xigeen loo doortay isla guddoomiye ku xigeenkii Guddiga ee hore loo baabi’iyey waxaana kusoo baxay Najiib Xuseen Samaale.
Doorashadan ayaa ka dhigan ku celinta doorashadii hore ee xubnahan isku doorteen, taasoo uu baabi’iyey Rooble, lamana oga waxa ay soo kordhin doonto khilaafkii hore uga dhex taagnaa labada Garab ee siyaasiyiinta Waqooyi u kala jaban yihiin, balse uu hadda Ra’iisal wasaare Rooble si toos ah u taageeray garabka ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed hoggaaminayo.
