Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.
Kulanka ayaa loo hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo dib u dhaca heysta fulinta qodobadii lagu heshiiyey, dhameystirka guddiyada doorashooyinka; wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay Wakiilka UN-ka inay ka go’an tahay in waqtiga aan dib u dhac ku iman balse ay ku xeeran yihiin duruufo u baahan in dhamaan ay gacan ka geystaan dardargalintooda.
Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay waxa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaruhu kuwaas oo ka shaqeyn doono arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.
Qodobada kale ee si weyn looga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga iyo Caddaalada iyo shaqooyinka culus ee la xiriira amniga doorashooyinka taas oo sida ku caddeyd Hishiiskii 27 May ee ahaa in la dhiso Guddi Amni oo ka 9 xubnood oo Ra’isul Wasaaruhu hogaaminayo kuwaas oo isugu jira dhinacyo kala duwan.
Waxa kulanka sidoo kale looga hadlay sida leysaga kaashan karo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka degaanada Hirshabelle iyo sida ay muhiimka u tahay in si dhaqso ah kaalmo loola gaaro dadka tuulooyinka ay barakaciyeen daadadka Wabiga Shabeelle.
