Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isagoo caddeeyay inaan lagu qanci karin warka kasoo baxay NISA.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir inuu muddo 48 saacadood gudahood ah kusoo gudbiyo warbixin dhammeystiranoo ku saabsan kiiska Ikraan Tahlii Faarax, isagoo sheegay inuu go’aan ka qaadan doono arrintan marka ay u soo dhameystiranto warbixinta Kiiska.
Rooble ayaa sheegay inuu ka duulayo waajibaadka saaran xukuumaddaee ilaalinta muwaadinka Soomalaiyeed, isla markaana ka jawaabaya cabashada qoyska Ikraan, wuxuuna ballanqaaday inay cadaalad hesho Ikraan.
Arrintan ayaa timid kadib falcelin weyn oo ka dhalatay warkii ay soo saartat hay’adda NISA ee ahaa inay Ikraan u gacan gashay Alshabaab, ayna dileen; balse Ra’iisal wasaaraha ayaa caddeeyay inaan lagu qanci karin warka NISA, isla markaan uu siiyey waqti ku filan oo kiiskan looga sal gaaro.
Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayey wararku sheegayaan inuu safar ugu maqan yahay dibadda, markii ugu danbeysayna lagu sheegay inuu ku sugnaa dalka Turkiga.
HOOS KA DAAWO
