Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa beeniyay warar suuqa la geliyey oo ku saabsan isbedel lagu sameynayo Qodobbo ka mida heshiiska Doorashada.
Rooble ayaa meesha ka saaray in lasoo koobayo magaalooyinka ay ka dhaceyso Doorashada ama la yareynayo ergada, wuxuuna yiri: “”Waxaan idinka iyo Soomaali oo dhan u caddeynayaa in heshiisyadii September 2020iyo May 2021 ay yihiin lama taabtaan… labadii magaalo ee Doorashada ka dhaceysay, sidooda ayey uga dhaceysaa..” ayuu yiri Rooble.
“Waxa suuqyada laga sheegayo waxba kama jiraan… Doorashada waxay ka dhaceysaa K/Galbeed: Baraawe iyo Baydhaba, Jubbaland waxay ka dhaceysaa Kismaayo iyo Garbahaarey, Hirshabelle waxay ka dhaceysaa Jowhar iyo Beledweyne, Galmudug waxay ka dhaceysaa Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Puntland waxay ka dhaceysaa Garowe iyo Boosaaso…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble oo khudbad dardaaran ah u jeediyey Guddiyada Doorashada.
Mar uu ka hadlayey tirada Ergada doorashada ayuu si cad u yiri: :”Ergada waa 101, halna laguma daraayo, halna lagama dhimaayo, waxaana la wareejinayo horteyda ayey yaallaan ee gadaasheyda ma jiraan..’.
Rooble ayaa sheegay inuusan musharax ahayn, sidaasina uu u yeelay inuu dhexdhexaad noqdo, dalkana ay ka dhacdo Doorasho loo dhan yahay oo xalaal ah.
