Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose.
Socdaalka Rooble ee magaalada Baraawe ayaa qeyb ka ah diyaargarowga Doorashada Golaha Shacabka, waxaana magaalada uga hor maray oo isla saaka gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Sheekh Maxamuud Lafta-gareen.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inta uu joogo magaalada inuu kulamo la yeesho maamulka iyo odayaasha magaalada, isagoo u kuurgeli doona xaaladda magaalada iyo diyaar garowga Doorashada.
Wararka ayaa sheegaya in magaalada Baraawe laga bilaabi doono Doorashashada xildhibaannada Golaha Shacabka, iyadoo ka mida magaalooyinka la qoondeeyay inay ka dhacdo Doorashada.
Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisal Wasaare Rooble auu tago magaalada Baraawe, isagoo hore u tegay magaalooyinka Baydhaba, Kismaayo iyo Garbahaarey.
