Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada ay daadadka go’doomiyeen ee xarunta Hirshhabeele.
Ra’iisal wasaraha ayaa diyaarad Helikobtar ah ku tegay xerada ciidamda AMISOM ee magaalada Jowhar, halkaas oo gaadiid looga galbiyey, waxaana kusoo dhoweeyay magaalada Madaxweynaha Hirshabeelle, wasiiro iyo xildhibaanno uga horeeyay magaalada oo socdaalkiisa u tegay halkaasi.
“Waxaan soo gaaray xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar oo ay fatahaadda webigu go’doomisay, si aan ugu kuur galo heerka saameynta ay fatahaaduhu ku yeesheen dadka,magaalada iyo deegaannada hoos yimaada, uguna gurmanno shacabkeenna waxyeelladu gaartay” ayuu yiri Rooble.
Waxaa Jowhar maanta gaaray mas’uuliyiin iyo xildhibaannadii ugu badnaa oo qeyb ka ahaa booqashada Ra’iisal wasaaraha, iyadoo muddo bil ka badan ay Jowhar ku jirto go’doonka Biyaha.


