Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga soo xigtay go’aan uu ka gaaray doorashada Aqalka Sare ee xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiska Rooble, kulankii Golaha Wasiirada ee maanta 5-ta Ogost 2021 ayuu Ra’iisal wasaare Rooble Warbixin ka siiyey Golaha warbixin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Doorashooyinka iyo inuu ku guuleysan waayey kulan uu la yeesahy labada garab ee siyaasiyiinta Waqooyi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inkastoo uu jiro dib u dhac yar, haddana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen inay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda, ka ibna ay isugu yimaadaan kulan looga arinsanayo sidii horey loogu sii anbaqaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.
Rooble ayaa Golaha Wasiiirada u sheegay in xal-u-raadinta iyo abuuris jawi isfaham oo uu muddo ka dhex waday siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ay shaqeyn weyday.
Wuxuu sheegay in waanwaantiisii la xiriirtay Doorashada Guddoonka Guddiga SIET ee Somaliland uu dadaal xooggan ku bixiyay in isfaham la gaaro, waqtina uu siiyay, balse hadda uu go’aan ku gaaray in doorashada la guda galo, guddiguna ay dhexdooda is doortaan.
