Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»RW Rooble oo Guddiga FEIT ka saaray Cirro iyo Xiirane, Digniin culusna siiyey 5 xubnood.

    RW Rooble oo Guddiga FEIT ka saaray Cirro iyo Xiirane, Digniin culusna siiyey 5 xubnood.

    April 5, 2022Updated:April 5, 20223 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Akhris: Ra’iisal Wasar Rooble oo go’aanno culus soo saaray Guddiga Doorashana ka eryay Guddoomiyihii iyo xoghayihii hore

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ayaa xilalkii ka qaaday, kana saaray Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT laba xubnood oo ka mida, halka uu digniin culus siiyey shan xubnood oo kale.

    Rooble wuxuu kasoloo saaray amaro ku saabsan doorashooyinka dadlka iyo qorshaha dhameystirka Doorashada. Go’aannada culus hoos ka akhrso:

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu bogaadinayaa dadaalka Guddiga FEIT iyo guddoonkooda iyo xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ee ku aaddan hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxa uuna sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyaynayaa Xubnaha Baarlamaanka ee ilaa hadda qaatay Shahaadada xildhibannimo Ra’iisul Wasaaruhu waxa ku boorrinayaa xubnaha dhiman in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaataan shahaadada xildhibaannimo una diyaar garoobaan dhaarinta xildhibaannada si ay u bilaabaan gudashada waajibaadka dastuuriga ah.

    Dhinaca kale waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka war hayaa ficillada gurrucan ee maalmihii dambe socday, kuwaas oo la doonayay in lagu carqaladeeyo hirgalinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee uu soo saaray Guddiga FEIT taas oo muujinaysa damaca xafiisyada qaar ay ku doonayaan in ay ku hor istaagaan dhammeystirka doorashada dalka una weeciyaan jiho kale.

    Haddaba, Ra’iisul Wasaaraha oo gudanaya waajibaadka ka saaran dhammaystirka doorashooyinka dalku, markii uu arkay falalka la isku dayayo in lagu carqaladeeyo hirgelinta Jadwalka dhaarinta xildhibaannada.

    Markuu arkay warqadda sumadeedu tahay GHDHF/104/03/2022 ee ka soo baxday Gudoomiyaha Guddiga FEIT kuna saabsan in xubno ka tirsan guddigu ku keceen falal ka baxsan anshaxa shaqada oo lagu hor istaagayo habsami u socodka shaqada guddiga, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu go’aamiyay;

    Waxaa xubinnimada guddiga laga saaray:

    1. Maxamed Xasan Maxamed Cirro oo lagu baddelay Mudane Irshaad Maxamuud Sheikh Daahir

    2. Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam oo lagu baddelay Mudane Xasan Cali Yuusuf

    Waxaa sidoo kale digniin kama dambeys ah la siiyay xubnaha kala ah:

    1. Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur

    2. Cabdinaasir Maxamed Guuleed

    3. Cabdijabbaar Cabdullaahi Faarax

    4. Axmed Aadan Dagaal

    5. Sacdiyo Xasan Xuseen

    Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu uga digayaa xubnaha ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, Shaqaalaha rayidka ah iyo xukuumadda in ay ka waantoobaan falalka isugu jira cabsi gelinta iyo musuqmaasuqa ee ay ka dhex wadaan heerarka kala duwan ee guddiyada maamulka doorashooyinka, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan haddii ay falalkaas ku sii socdaan.

    Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in baaris deg deg ah lagu sameeyo isku daygii galabnimadii 04/04/2022 ee xubnaha laga saaray guddiga FEIT iyo kuwa loo digay ku carqaladeeyeen habsami u socodka howsha shahaaddo bixinta ee guddigu wado, waana in taliyuhu mas’uuliyad gaar ah iska saaro amniga iyo badqabka goobaha ay ka socdaan howlaha doorashooyinka.

    Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu farayaa Guddiga FEIT in ay dardar geliyaan shaqadooda isla markaana ku taagnaadaan hirgelinta jadwalka diiwaangalinta iyo dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal. Ugu danbayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in ay jiraan isbaheysiyo gudaha iy dibadda ah oo lagu doonayo in lagu hor istaago dhammeystirka howlaha doorashooyinka, si dalka looga abuuro degganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed, sidaas awgeedna waxa uu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan una diyaar garoobaan sidii looga hor tagi lahaa duullaankaas ka dhanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, loona xaqiijin lahaa dhammeystirka doorashada oo mareysa heer gebogebo ah.

    Doorashada FEIT Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga FEIT oo shaaciyay in Cirro iyo Xiirane ay weerar ku qaadeen Goobta Shahaado bixinta
    Next Article Lafta-Gareen oo joojiyey wada-shaqeyntii Arrimaha Doorashada ee RW Rooble (Go’aan cusub)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo