Boqotooyada Sacuudiga ayaa soo saartay liiska 40 xubnood oo ka mida hoggaamiyeyaasha iyo saraakiisha kooxda Xuuthiyiinta Yeman ee dagaalku kala dhaxeeyo, kuwaasoo madaxooda la dul dhigay lacago badan.
Sacuudiga ayaa lacagta ugu badan dul dhigay madaxda Hoggaamiyaha kooxdaasi C/Malik Alxuuthi waxaana qofkoo soo sheegaya meesha uu ku sugan yahay in macluumaad lagu qaban karo ama lagu dilo karo loo ballanqaaday lacag dhan 30 Milyan Doolar.

Waxaa liiska ku jira 39 xubnood oo kale oo mid waliba lacag la dul saaray madaxiisa, iyadoo lacagta guud ay gaareyso 440 Milyan oo doolar. Tallaabadan ayaa ka dambeysan Gantaalkii ay Xuuthiyiinta habeen hore ku rideen Garoonka diyaaradaha Boqor Khaalid ee magaalada Riyaad.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA XUBNAHA XUUTIYIINTA