Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku gacan seyrtay eedeyn iyo hanjabaad uga timid Mareykanka iyo dalalka Yurub, waxayna si cad u sheegtay inaysan aqbaleynin hanjabaadyo iyo isku day lagu doonayo in sumcadeeda wax loogu dhimo.
Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga oo soo xigatay mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga wuxuu Sacuudigu sheegay inaan loogu hanjabi karin cunaqabteyn dhaqaale, isla markaana la saari karin culeysto siyaasadeed oo dano gaara laga leeyahay, wuxuuna mas’uulkaasi intaas ku daray in tallaabo kasta oo la isku dayo in lagu waxyeelleeyo Boqortooyada Sacuudiga ay jawaab ka bixin doonto.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa jawaab u ahaa hanjabaad kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka, iyadoo Sacuudiga lagu eedeynayo inuu ka danbeeyay dilka Saxafiga la waayey ee dalkaasi u dhashay Jamaal Kashoqgi oo ku maqan Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Dhinaca kale dalalka Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa Sacuudiga ka dalbaday inuu caddeyn buuxda iyo faahfaahin ka bixiyo halkii uu ku danbeeyay qoraaga Jamal Kashoqgi oo lagu la’ yahay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul tan iyo 2-dii Bishan Oktoobar.
Saddexda dal ee ugu weyn Yurub waxay qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ku sheegeen in Sacuudiga looga fadhiyo caddeynta halkii uu ku danbeeyay qoraaga Jamal Kashoqgi, iyadoo ku baaqay in la sameeyo baaritaan xaqiiqada lagu ogaado.