Dowladda Sacuudig ayaa si kumeelgaar ah u joojisay dhoofinta xoolaha uga yimaada dalka Soomaaliya.
Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa ayaa sheegay in Qoraal ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, kaas oo sheegayey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.
Nuux Daahir Camuud oo ku sugan magaalada Jedda ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mida ganacsatada xoolaha isla markaana amar lagu siiyey in la hakiyo xoolaha iyadoo sabab looga dhigay arrimo caafimaad oo laga dareemay xoolaha Soomaalida.
Go’aankan ay ganacsatada Soomaalidu sheegtay in dawladda Sucuudiga uu ka soo baxay, illaa haatan may xaqiijinin dawladda Soomaaliya iyo dawladda Sucuudiga.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka reer guuraaga ah, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashona waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay’adaha Caalamiga ahiga ay baaqyo ka soo saareen.