Musharax Daahir Maxamuud Geelle wuxuu hore u soo qabtay xilal Wasiir iyo Safiir, waana diblomaasi iyo siyaasi degan oo miisaan leh, wuxuu siyaasadda kusoo jiray 20-kii sano ee ugu dabeeeyay ilaa dowladii KMG ahayd.
May 2019 ayuu iska casilay xilka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadii Xasan Kheyre iyo Maxamed Farmaajo, markii ay isku fahmi waayeen jihada ay dalka u wadeen oo uu si cad uga hor yimid.
Waa musharax hadda u taagan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2022, wuxuuna dadka kusoo jiitay qorshihiisa siyaasadeed, deganaantiisa iyo fahamka uu ka heysto dowladnimada iyo xaaladda Soomaaliya.
Dad badan oo qiimeyn ku sameeyay musharixiinta faraha badan ee xilka madaxweynaha u taagan ayaa Musharax Daahir Maxamuud Geelle ku tilmaamay madaxweyne ku haboon Soomaaliya xilligan xasaasiga ah ee dalku u baahan yahay hoggaamiye nabadeed oo xalin kara dhibaatooyinkii ay dalka ka abuurtay dowladii shanta sano maamulka heysay ee Farmaajo.
Musharax Daahir Maxamuud Geelle wuxuu heystaa saddex fursadood oo uu ku noqon karo Madaxweynaha tobnaad ee Soomaaliya, waxayna kala yihiin:
- Siyaasi Nadiif ah oo ka duwan Musharixiinta kale
Daahir Geelle wuxuu siyaasiyiinta kale uga duwan yahay inuu yahay musharax nadiif ah oo aan wax eed ah iyo dakano siyaasadeed qabin, si daacad ahna ugu soo shaqeeyay dalkiisa. Waa siyaasi mabda’ leh oo aan ka qeyb qaadan tacadiyadii dalka ka dhacay, kuna dhiiraday inuu xilka iska casilo, markii uu dan qaran ka arki waayey xukuumadii uu ka tirsanaa.
Sida musharixiin badan oo tartanka madaxweynaha kula jira Daahir Geelle wuxuu ka badbaaday inuu magaca dowladda dhibaato ku geysto, hantida umadda ku takri falo ama qaato go’aanno wax u dhimaya Qaranimada.
- Nin Ahlu Diin ah oo aaminaad leh
Musharax Daahir Geelle ma aha oo kaliya Siyaasi iyo Diblomaasi, balse waa nin Ahlu Diin ah oo heer ka gaaray Shareecada islaamka, isla markaana ku dhaqma diintiisa. Wuxuu marar badan caddeeyay inuu yahay Nin ‘tukada’ oo aanay beentu u bannaaneyn. Wuxuu fahmi karaa qaabka loo xalin karo fitnada diimeed ee dhashay fekerka Ashabaab.
- Musharaxa Kaliya ee isla-xisaabtan diyaar u ah
Waa musharaxa kaliya ee dadka hor yimid, una caddeeyay qaabka uu rabo haddii la doorto inuu dalka u hoggaamiyo, isla markaana diyaar u ah isla xisaabtan laga bilaabo musharixiinta madaxweynaha oo Doorashada ka hor ay caddeeyeen hantidooda, si marka ay xilka ka tagaan loo xisaabiyo.
Waa musharax ka caagan musuqmaasuqa ragaadiyay madaxda Soomaalida ee dalka isaga danbeysay, diyaarna u ah inuu Soomaaliya kala dagaalamo cudurkaas keenay inay noqoto dalka ugu musuqa badan dunida.
Ugu danbey, Soomaaliya waxay xilligan u baahan tahay hoggaamiye xalin kara caqabadihii ay abuurtay iyo kala qeybsanaantii ay dalka gelisay dowladii hore iyo nabadoon Alle-yaqaan ah oo isu dooni kara Soomaalida, waxaana tilmaamahaasi leh Musharax Daahir Maxamuud Geelle.

W/Q: Cabdi Cali Mayrane
[email protected]