Koox dabley ah ayaa saddex qof ku dishay magaalada Muqdisho oo midkood ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Labaajada Mahad Alla ee degmada Yaaqshiid, waxaana kooxdan oo ka koobneyd saddex dabley ah la sheegay inay mar qura rasaas ku fureen askari goobtaasi ku sugnaa, kadibna ay toogteen laba qof oo goobta ka ag dhowaa oo la sheegay inay ka baqeen inay aqoonsadaan.
Dableyda Alshabaab ayaa markii ay falkan fuliyeen ka baxsaday goobta, iyagoo qaatay Qori iyo Booshkii uu watay askariga ay dileen. Cidamada amniga ayaa la sheegay halkaasi gaareen oo ay ka qaadeen meydka Askariga la dilay iyo labada qof ee shacabka ah.
Dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho oo inta badan ay sheegato Alshabaab ayaa si joogto ah uga dhaca magaalada Muqdisho.