Safaaradda cusub ee Turkigu ka dhistay magaalada Muqdisho oo dacalka ku heysta Xeebta badweyne India ayaa maanta lagu qabtay xaflad lagu xusay Maalinta Qaranka dalka Turkiga 00 ku beegan 29-ka Oktoobar ee sanad kasta oo ah maalintii uu hogaamiyaha Turkiga cusub Mustafa Kemal Atatürk ku dhawaaqay in Turkigu yahay Jamhuuriyad Cilmaani ah oo ku beegneyd 29 kii Oktoobar 1923-kii.
Xuska maalintan oo loo yaqaan MAALINTA JAMHUURIYADDA ayaa ka dhacay safaaradda cusub ee Turkiga ayaa waxaa dadkii ka qeyb galay soo jiitay qaabka dhismaha iyo qasriga loo muunadeeyay dhismaha safaaradda Turkiga oo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ay ku sheegtay inay tahay safaaradda ugu weyn caalamka. halka Nicholas Kay oo dhismaha safaaradda ku cabiray mid indho daraandar leh.
Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka qeyb galay xuska maalinta qaranimada Turkiga, isagoo hadal ka jeediyay xafladda ku ammaanay doorka Turkiga ka qaatay horumarinta Soomaaliya iyo kaalmada wax ku oolka ah ee uu siiyay.
Madax badan ayaa ka qeyb galay xaflada iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee Muqdisho ku sugan, waxaana xaflada hareeyay muuqaalka safaaradda iyadoo ay joogeen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Wasiiro iyo xildhibaano fara badan.
HOOS KA DAAWO QAAR KA MIDA SAWIRRADA




Wadani.com