Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu difaacay weriye Harun Macruf oo u shaqeeya Laanta Afsoomaaliya ee VOA-da oo ay dhowaan eedeysay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.
“Haaruun Macruuf waa weriye xirfadle ah oo la ixtiraamo, una shaqeeya VOA-da, wuxuuna ka mid yahay saxafiyiinta ugu saameynta badan Soomaalida. Weerarka NISA wuxuu halis gelinayaa xoriyadda saxaafadda iyo madax bannaanida warbaahinta oo asaas u ah dimoqraadiyadda iyo dowlad lala xisaabtamo ee Soomaaliya..” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa dhowaan weriye Harun Macruf ku tilmaantay inuu halis ku yahay amniga Qaranka, isla markaana sharciga lala tiigsan doono, taasoo dood weyn ka dhalisay baraha Bulshada.
Farriinta Safaaradda Mareykanka ayaan si toos ah looga arkeynin Somalia, balse la arki karo dalalka kale iyo marka ay sii qeybiyaan dad kale, taasoo aan la ogeyn ujeedka laga leeyahay.