Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Safarkii Jawaabta: Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Dhexe [H/Gidir]

    Safarkii Jawaabta: Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Dhexe [H/Gidir]

    January 17, 20182 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Intii uusan bilaaban socdaalkiisa horaantii bishaan, dad badan ayaa aaminsanaa inuusan fiicneyn cilaaqaadka madaxweyne Farmaajo iyo beesha dhexe taas oo 50% xubnaha Dowladda dhexe ku matala ay mucaarad dheereya noqdeen, bilihii lasoo dhaafay waxaa dhacay qaladaad u muuqday kuwa aan lagu tallo galin iyo kuwo lasii qorsheeyay oo ay wax ku noqdeen dad beeshaa u dhashay.

    Farmaajo ka hor, ma jirin xili ay beesha dhexe dhib la’aan aheyd, Dowladd kasta oo timid Villa Somalia qaladaad ayaa ka dhacay kaa oo ay shacab iyo saraakiil wax ku noqdeen, Soomaalidda oo dhan ayuu dhibkaa gaari jiray oo ay beesha dhexe ka mid tahay.

    Waxaa ugub aheyd in mucaaradku ay faa’iido ka raadiyeen kicin dadweyne iyagoo dariiq beeleed u maraya, Farmaajo wuxuu la kulmayay cadaadis warbaahineed oo siyaasiyiinta beesha dhexe kaga imaanayay , waxaa loo arkayay inuu duulaan beeleed waddo laakiin marnaba isaggu taa kama hadal.

    Safarkiisa oo dhowr nuuc loo dhigi karo ayaa u muuqday inuu jawaab u ahaa inuusan cidna duulaan ku aheyn, in Dowladdu ay qaldami karto laakiin aaney isku raaci karin in qollo gaara albaabadda laga xirto, in ahmiyadiisu ay tahay inuu dadkoo dhan hantiyo, iney siyaasiyiin is hayaan balse ay shacabku rabaan isagga, inuu u muujiyay siyaasiyiinta beesha dhexe in matalaadoodu ay halis ku jirto hadii aysan is badal la imaanin iyo inuu soo ogaaddo waxa ay rabitaankii loo qabay u dhibtay mucaaradadii ku socotay bilihii lasoo dhaafay.

    Madaxweyne Farmaajo wuxuu helay jawaab, beesha dhexe waxey heshay jawaab, siyaasiyiinta beesha dhexe ku mataladda dowladda federaalka ah iyaguna waxey heleen jawaab.

    Farmaajo wuxuu ogaaday in beesha dhexe ay shacab ahaan xagiisa jirto, iney beeshu fahamsan tahay in qaladaadka dhacay aannu bartilmaameed aheyn, iney dowladinimadda u heelan yihiin iyo iney been ahaayeen wararkii laggu harqin jiray ee ahaa “beeshoo dhan waa kugu mucaarad”.

    Shacabka beesha dhexe waxaa ay ogaadeen inuu madaxweyne Farmaajo raadinaayo midnimadooda, in aan la helin xili wax badan lagu qiimeyn karo iyo iney jiraan dad raadinaya iney beesha suurad xumeeyaan ayna muhiim tahay iney taa beeniyaan.

    Siyaasiyiinta beesha dhexe waxey ogaadeen iney u baahan yihiin in mucaaradnimadooda ay xeelad u badalaan , iney ka tagaan kicinta beesha iyo ineysan gacanta ku heynin shacab ay ku gor gortamaan.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda socdaalkiisa ku joogo Dhuusamareeb waxaana sidoo kale la filaya inuu booqdo Caabudwaaq.

    Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax

    [email protected]

    Farmaajo Galmudug H/gidir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG: Beesha Cadaado oo laga cabsi qabo inay ka baxdo Maamulka Galmudug & Dadaallo lagu qancinayo…
    Next Article Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo kormeer ku tegay Degmada Balcad [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo