Mid ka mida danjireyaashii uu magacaabay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib loogu soo celiyay iyadoo shan bilood kadib magacaabiddiisa aanay aqbalin dowladii loo diray.
Wasiirkii hore ee Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa ka tanaasulay xilka madaxweyne Farmaajo u magacaabay ee Safiirka Soomaaliya ua fadhiya dalka Ingiriiska, kadib markii muddo 5 bilood ah aan wax jawaab ah iyo ogolaasho looga helin Boqortooyada UK, isla markaana safiirku waayay dhaqaalihii uu ku wadi lahaa safaaradda.
Mudane Ceynte oo shirar badan uga qeyb galay xilka uu ku magacawnaa ee safiirka Soomaaliya u fadhiya UK ayaa ugu danbeyn xaqiiqsaday inaan la aqbalin xilka loo magacaabay, isagoo isaga haray xilkaasi aan u suuragelin, waxaana tanaasulkiisa xilkan uu ku sheegay in dowladda Federaalka middo 5 bilood ah aanay wax dhaqaale ah oo lagu wado safaaradda siin, iyo shaqo uu ka helay UN-ka.
Safiirradii lala magacabaay C/raxmaan Ceynte ee loo diray Q/Midoobay iyo Turkiga ayaa shaqooyinkooda wata, iyadoo magacaabiddan ay ahayd mid ku kooban madaxweynaha oo aanay soo jeedin wasaaradda arrimaha dibadda lana soo marin Golaha Wasiirada.