Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa difaacay dowladda Soomaaliya isagoo ka hadlay Kiiska dowlada Soomaaliya ay C/kariin Sheekh Qalbi Dhagax ugu wareejisay dowlada Itoobiya.
Salaad Cali Jeelle oo jago aan la shaacin ka haya dowladda isla markaana si weyn u taageera ayaa ka digay in arrintan loo adeegsado mucaaradnimo lagala horyimaado dowlada Farmaajo ee sida weyn shacabku u taageeray.
“Wadanka Amnigiisa yaan la dhibaateeynin dowlada hala taageero shalay Farmaajo markii la dooranayay dadku waa ay soo dhoweeyeen madaxweynuhuna 8 Bilood uu joogaa in hadda haddana lagu kaco wax caqliga gelaya maaha…” Ayuu yiri Salaad Cali Jelle.
Salaad Cali Jeelle ayaa ka mida odayaal iyo siyaasiyiin ay dowladda Soomaaliya u adeegsaneyso inay ka hortagaan dhibaatada ka dhalatay kiiska C/kariin Qalbidhagax.