Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa si buuxda u taageeray howlgalka xasilintamagaalada ay ciidamada ammaanka ka wadaan Muqdisho.
Wuxuu sheegay inay muhiim tahay xakameynta hubka sharci darrada ah ee magaalada lala wareegayo si loo garto kuwa nabad-diidka ah, wuxuuna cambaareeyay dadka ka horjeeda arrintan.
Wuxuu ku amaanay dowladda Farmaajo inay rajo badan shacabka u furtay iyadoo la dagaalantay musuqa taasoo keentay inuu kordho dakhligii dowladda, isla markaana xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho ay soo hagaagtay isla markaana ay yaraadeen falalkii ammaan darro ee bisha Ramadaan.

DHAGEYSO