Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in Gaari miineysan oo maanta ku qarxay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ay ku dhinteen saraakiil caddaan ah.
War ay soo saartay Alshabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa si farsameysan loogu xiray gaariga, ayna ku hoobteen saraakiil Caddaan ah oo miino baarayaal ahaa, iyadoo intaas ku dartay inay ka gaareen ujeedkii ay ka lahaayeen.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegeysa inay miinada lagu xiray gaariga ay ahayd farsamo cusub oo ay adeegsadeen, waxayna sheegeen in shan sarkaal oo miinooyinka qaabilsan ahaana kuwo caddaan ah ay ku dhinteen qaraxa markii ay isku dayeen inay furfuraan.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku saabsan in saraakiisha qaraxa ku dhintay ay ku jireen kuwo caddaan ama ajnabi ah, waxaase inta badan la arkaa goobaha qaraxyada ka dhacaan oo xubno aan la garaneyn cidda ay yihiin ay baaritaan ka sameeyaan.
Wadani.com