Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay madax uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, waxayna saraakiishan in muddo ah tababarro heer sare ah ku qaadanayeen dalka Turkiga oo dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo kala duwan.
Dowladda Turkiga ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo tayadii uu Ciidanka Xooggu lahaa, iyadoo Dalkeeda u qaadday Dhalinyara badan oo halkaasi lagu soo leylinayo, waxanay sidoo kale Magaalada Muqdisho ka furtay Saldhig lagu carbiyo Ciidanka Difaaca, halkaasoo ay kasoo baxeen dufcado dhowr ah.
HOOS KA DAAWO