Thursday, May 15, 2025

Saraakiisha loo xiray qaraxii Hotel SYL oo Maxkamad la soo taagayo iyo Beelo culeys ku haya madaxda dowladda

Ku xigeenka xeer-ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Abuukar ayaa shaaca ka qaaday in 11 qof oo isugu jira saraakiil iyo mas’uuliyiin ciidan loo xiray qaraxii ka dhacay Hotelka SYL 22 Janaayo, dadkaasina loo gudbiyay xabsiga dhexe isla markaana ay eedeysanayaal yihiin oo maxkamad lasoo taagi doono.

QARAXA-HSYL

Xeer ilaaliye ku xigeenka oo sidoo kale ka mida Gudiga loo xilsaaray baaritaanka qaraxii SYL ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay  xarunta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in  sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo soo taagi doono shakhsiyaadka loo hayo  qaraxii Hoteeka SYL ee magaalada Muqdisho.

Ad

Baaritaanno socday in ka badan Bil iyo Bar ayaa lagu soo ururiyay caddeymo ku filan in lagu eedeeyo 11-ka sarkaal iyo ciidan ee kiiskan loo heysto, inkastoo aan waqti loo qaban xilliga maxkamadda la saarayo, iyadoo maxkamadu noqon doonto mid milateri.

 

[ad name=”HTML-3″]

- Advertisement -

Waa markii ugu horeysay ee saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda lagu soo eedeeyo inay fududeeyeen fal argagixiso oo micnaheedu yahay inay la shaqeeyaan Alshabaab, waana tallaabo horumar leh. Wararka hoose oo ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegaya in beelaha ay kasoo jeedaan saraakiisha xiran ay culeys weyn ku hayaan madaxda sare ee dowladda iyagoo ku cadaadinaya in la sii daayo saraakiishaasi.

Qaar ka mida xildhibaanada beelaha ay ka soo jeedaan saraakiisha eedeysan ayaa dadaal ugu jira in arrintan laga fakiyo oo ay saameyn ku yeesheen maxkamadda, iyo ka hor. Waxaana la faafiyay warar qabyaaladeysan oo lagu sheegayo in dadka rasmiga ahaa ee ka danbeeyay aanay hayn kuwa xiran.

Goobjooge.com

Muqdisho

- Advertisement -

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON