Thursday, May 15, 2025

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo arrinta Gobollada dhexe isaga dab qaadaya dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa soo gabagabeeyay socdaal degdeg ah oo uu ku gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kulan kula qaatay dhiggiisa Itoobiya  ayna ka wadahadleen xaaladda maamul u sameynta Gobollada Dhexe iyo loolanka ka dhex taagan dhinacyada isku haya oo qeyb ka mida ay Itoobiya taageersan tahay. Waxaana la filayaa inuu maanta gelinka danbe ka dego magaalada Jabuuti oo iska uu kulan kula qaadan doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

safar-cc

Wafdiga Cumar C/rashiid oo ay ka mid yihiin Wasiir Jangeli iyo Wasiiru dowle Maxamed Cali Xagaa ayaa Jabuuti u tegaya isla arrintan Gobollada Dhexe iyo maamul u sameynta degaanadaasi oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ay isku mowqif ka yihiin halka Itoobiya oo dhinaca kale ka soo jeeda ay la safan tahay kooxda dagaalka kula jirta Ahlun suna iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya  ee Addis Axmed Abdisalan.

Ad

[ad name=”HTML-4″]

Ra’iisal wasaaraha ayaa isku dayaya inuu isu soo dhoweeyo labada dhinac ee loolanku ka dhaxeeyo, iyadoo shirka Dhuusamareeb ay la wareegtay dowladda Federaalka, ayna ku talo jirto in si degdeg ah ay u furto shirka Cadaado ee lagu dhisayo maamulka KMG ah ee Gobolada Dhexe. Itoobiya ayaa ka cabsi qabta in shirka Cadaado lagu dhiso maamul uu hogaamiyo mid ka mida saaxiibada  madaxweynaha ee damjadiid; waaxyna taageersan tahay inuu ku soo baxo Axmed C/salaan.

Goobjooge.com

- Advertisement -

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON