Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tirada ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Uganda looga dilay weerarkii Alshabaab ku qaadeen Boolomareer.
Dagaalamayaahsa Al-Shabab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadday kolonyo ciidamada AMISOM ka tirsan oo ku sii jeeday magaalada Buula Mareer agagaarka Golweyn halkaasoo qasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada AMISOM.
Saraakiisha Soomaalida ee degaankaasi ayaa sheegay in weerarkan oo ka dhacay meel u dhow tuulada Golweyn, lagu dilay 11 askari oo midkood Soomaali yahay, halka 10-ka kale ay AMISOM ka tirsan yihiin.
Alshabaab ayaa sheegatay inay dagaalkaasi ku dileen 39 askari oo AMISOM ka tirsan, ayna hayaan meydadkooda, hase yeeshee saraakiisha Soomaalidu waxay sheegeen in ugu yaraan 10 askari laga dilay AMISOM.