Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya uu toogasho ku dilay taliye ku xigeenkii ciidamada Badda Soomaaliyeed.
Dilkan ayaa ka dhacay gudaha Dekadda weyn ee Muqdisho, waxaana taliye ku xigeenka ciidmada Badda ee la dilay lagu magacaabi jiray Jen. Saciid Mariino. Taliyaha ayaa waxaa dilay ku xigeenkiisa, iyadoo muran soo dhex galay kadib uu ku dhex toogtay xafiis ay ku dhex leeyihiin Dekadda Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegay in falkan uu yimid kadib markii Taliyaha la dilay iyo ku xigeenkiisa ay ku murmeen casnshuurta laga qaado Dekadda Muqdisho. Ciidamada ammaanka Dekadda Muqdisho ayaa qabtay oo xiray taliye ku xigeenka dilka geystay.