Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dishay qof shacab ah xaafadda Albaraka eee Degmada Hodon, Magaalada Muqdisho.
Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa saakay toogasho ku dilay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble (Madoobe) oo la sheegay inuu ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaarada Arimaha gudaha Dowlada Soomaaliya, iyadoo dilkaasi kadib goobta ka baxsatay.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbeysay falkaasi dilka ah, iyadoo ay halkaasi gaareen ciidamada Booliiska Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay goobta dilku ka dhacay, iyadoo aan lagu guuleysan in la soo qabto.
Sidoo kale waxay koox hubeysan isla maanta ku dishay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ganacsade lagu magacaabi jiray Saddaam Maxamed Daahir, waxaan weerar ku qaaday Dabley bistoolado ku hubeysnaa oo dilkiisa kadib baxsaday.
Dalalka khaarijinta ah ee sida joogtada ah uga dhaca Muqdisho waxaa inta badan sheegta kooxda Alshabaab, iyadoo kooxda kale ee Daacish-na ay qeyb ka tahay amni darrada caasimadda.