Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu sarkaal ka tirsan Alshabaab isku ciidamad dowladda Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa ahaa Guddoomiyihii Al-shabaab ee degaanka Ceelgaduud ee Gobolka Gedo oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Dheel.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Sarkaalka tirsan Al-Shabaab uu isu dhiibay Ciidamada dowladda ee ku sugan Miyiga Magaalada Garbahaarey.
Sarkaalka ayaa lagu xiray Saldhigga Ciidamada ee Magaalada Garbahaarey, iyadoo baaritaan lagu wado xaaladiisa. Waxaa sheegay inuu watay Qori iyo Bastoolad.